Laamaha Ammaanka G.Hiiraan oo baaritaano ka sameeyay Baladweyn

0
719

Laamaha Ammaanka  gobolka Hiiraan ayaa howl gallo ballaaran saacadihii ugu dambeeyay ka wadey Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan,ciidamada ayaa baarayay xaafadaha kala duwan ee magaalada iyo jidadka muhiimka ah ee isku xira xaafadaha.

Xaafadaha sida gaarka ah looga fuliyay howl gallada ayaa waxaa ka mid ahaa xaafadda Howl wadaag oo maalmihi ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal amni darro.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga xaqiijinayo nabad-galyada magaalada oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen falal amniga ka dhan ah.

Guud ahaaan waxaa gobolka Hiiraan ka socda howl gallo lagu cirib tirayo haraadiga Argagixisada Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here