Waa sidee xaaladda dadkii ka soo barakacey deegaanada Waqooyi iyo Galbeed ee magaalada Kismaayo

0
434

Kaamka Alle suge oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku Nool 45 Qoys oo kasoo barakacay deegaaanada Waqooyi iyo galbeed ee gobolka  Jubbada Hoose sida Buushbuushle,Seddex-Lugood iyo Baar Sanguuni.

Dadkaani ayaa deegaannadii ay daganaayeen uga soo barakacay Biyo la’aan halka kuwa kalena ay uga soo barakaceen dhibaatada ay ku hayaan Malleeshiyaadka Argagixisida Al-Shabaab oo dhac iyo boob u geysta markasta.

Haatan waxa ay ku jiraan kaamka Alle Suge waxay guryo ka dhigteen baakado iyo baco la isku daray oo aan kuleelka iyo qabowga midna ka celin karin.

Halka ay dagan yihiin malaha Suuliyo ku filan,waxaana ay dowladda goboleedka Jubbland ka codsadeen in laga caawiyo nolosha gaar ahaan Caafimadka,Biyaha iyo Raashinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here