400 oo Dagaalyahanada Daacish ah oo Jabhadaha SDF Isu Soo Dhiibay

0
624

Jabhaddan oo lagu magacaabo SDF kana dagaalanta wuqooyiga bari ee dalka Suuriya ayaa maalinnimadii shalay ahayd sheegtay in ay hayso 400 oo dagaalyahan oo kooxdan ka tirsan kuwaas oo isa soo dhiibay kadib markii ay jabhaddu ku dhawaaqday in hawlgalkii lagu doonayay in Daacish lagaga xoreeyo dagmadda Baghouz uu goor dhaw bilaaban doono.

Dagaalyahanadan isa soo dhiibay ayaa qayb ka ahaa 2,000 oo ruux oo maalinnimadii shalay ahayd ka soo qaxay dagmadaas isuna soo dhiibay jabhadda SDF iyada oo uu taliska SDF sheegay in ay wali dagmada ku suganyihiin dagaalyahano badan oo aan wali isa soo dhiibin.

Dadka ka soo barakacay dagmadan ayaa lagu guray gawaadhi loona safriyay goob saxaraha ku taala halkaas oo ragga lagu baadhayay si loo ogaado in ay Daacish ka tirsanaayeen halka ciyaalka iyo haweenkana loo dirayay xero qaxooti oo aan halkaas ka fogayn.

Qaar kamid ah haweenkan ayaa iyaga oo cadhaysan ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay taageero ugu muujinayaan Daacish uguna ducaynayaan iyaga oo isla markaana caayayay wariyeyaashii goobta ku sugnaa.

In ka badan 10,000 oo ruux ayaa ka soo qaxay dagmadan intii ka dambaysay 10kii bishii Febraayo ee ina soo dhaaftay kuwaas oo intooda badan ah xaasaska iyo caruurta ay dhaleen dagaalyahano Daacish ka tirsan.

Dagmadan ayaa ah goobta kaliya ee haatan gacanta ugu jirta kooxda Dacish waxaana ku soo waajahan weerar ay ku qaadayaan jabhadaha Kurdiyiinta ee uu Maraykanku maal galinayo kuwaas oo horay ula wareegay in badan oo kamid ah magaalooyinkii ay kooxdan gacanta ku haysay.

Hawlgalkan ayaa la filayaa in lagu soo afmeero dadaalo ay mudo 4 sano ah wadeen jabhadaha ka dhisan dalkaas oo ay taageero siinayaan dalalka caalamka oo lagu doonayay in kooxda Dacish laga qabsado magaalooyinkii iyo goobihii ay gacanta ku hayeen gabi ahaanba.

Bishii Sebteembar ee sanadkii ina soo dhaafay ayaa lagu dhawaaqay hawl galka lagu doonayo in lagu xoreeyo dagmada Baghouz hasayeeshee bilawga hawlgalkan ayaa dib loo dhigay kadib markii ay cadaatay in ay tiro badan oo caruur, dumar iyo shacab rayid ah ku suganyihiin gudaha dagmadan iyada oo la doonayo in fursad ay kaga soo baxsadaan halkaas la siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here