R/Wasaare Kherre oo goordhow soo gaari doona Kismaayo

0
388

Qaban qaabada loogu jiro soo dhawaynta R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyrre ayaa si wayn uga socota magaalada Kismaayo Xarunta KMG Dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxda ugu sarreysa Jubbaland ayaa garoonka ku sugan halkaas oo goordhow la filayo in uu ka soo dago wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo R/Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyrre.

Soo dhawaynta garoonka ka dib R/Wasaaraha ayaa meel fagaaraha kula hadli doona shacabka Reer Jubbaland.

Dadweyne aad u fara badan ayaa iskugu soo baxay wadada halbowlaha u ah magaalada iyagoona ugu dambeyntii imaan doona Isgoys-ka Aargo halkaas oo ah goobta uu R/wasaaruhu kula hadlo doono shacabka Reer Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here