Puntland oo celisey soo galooti Itoobiyaan ah

0
434

Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay dalkooda ku celisay soogalooti Ethiopian ah oo iskood u go’aansaday in ay laabtan.

Warkan ayaa lagu sheegay warqad ka soo baxdey Wasaaraadda Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland,waxaana warqadda lagu sheegay in saaka oo Sabti ah la celin doono dad itoobiyaan ah kuwaas oo si iskood ah isku diiwaan galiyay.

Dadkan oo ay dhanka safarka ka caawisay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa saaka laga daabulay kantaroolka galbeed ee magaalada Garoowe waxaana la geyn doona degaanka Tuurdibi oo hoostaga degmada Galdogob ee gobolka Mudug islamarkaana ku yaalla xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Puntland ayaa todobaadyadii u dambeeyay dalkooda ku celisay dad gaaraya 3000 kun oo soogalooti Ethiopian u badan Qowmiyadda Oromada kuwaasoo oo laga soo uruuriyay magaalada Boosaaso iyo tuulooyinka hoosyimaada ee ku teedsan xeebta badda Cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here