Dalalka soo saara Shidaalka oo xal u raadinaya sicir bararka qiimaha Shidaalka

0
505

Wasiirka Tamarta Boqortooyada Sacuudi Carabiya Khaalid Al Faalix oo ka hadlayay shirka ay isugu yimaadeen Wasiirada Tamarta dallada OPEC ee ay ku midaysanyihiin dalalka soo saara Shidaalka ayaa sheegay in heshiiskii ay ku galeen in la dhimo soo saarista Shidaalka iyo u iib-gayntiisa suuqyada Caalamka ilaa hada ay si wanaagsan uga soo baxeen dalalkii heshiiska saxiixey,taasina ay gacan wayn ka geysan doonto xasilooni ku timaada qiimaha Shidaalka.

Dalalka soo saara Shidaalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay la kulmayay sicir barar ku aadan Qiimaha shidaalka Caalamka taas oo keentay hoos u dhac dhanka dhaqaalaha ah.

Ujeedka loo qabtay kulanka ay iskuugu yimaadeen dalalka ku bahoobey dallada OPEC ayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada so wajahdey sicirka Shidaalka.

Dalalka soo saara shidaalka ayaa ku baaqay in la yareeyo soo saarka shidaalka iyo dhoofintiisa suuqyada caalamka si loo xakameeyo isbadallada ku yimaadey Suuqyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here