Ururada Haweenka Jubbaland oo taageeray hoggaanka Jubbaland

0
543

Ururka Haweenka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qabtey kulan ay ku taageerayaan Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,waxayna sheegeen tan iyo xilligii uu hoggaanka Jubbaland qabtay in ay Haweenku heleen inta badan xaquuqdii ay lahaayeen.

Ururka Haweenka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cadeeyay in Madaxweynaha Jubbaland uu wax badan ka qabtay Amniga,Siyaasadda,Dhaqaalah,xoojinta xiriirka Ururada Bulashada iyo kaalinta uu ka qaaatey adkeynta dowladnimada Soomaaliya.

Haweenka Jubbaland ayaa mudadii ay jirtay dowladdu waxa ay ku tillaabsadeen horumar la taaban karo taas oo ay ugu wacantahay Amniga iyo xasiloonida ay helaan,maadaama ay ka midyihiin dadka u nugul dhibaatada gaar ahaan dagaalada iyo colaadda ka jirta deegaano badan oo ka mid ah dhulkeena Soomaaliya.

Guddoomiyaha Haweenka gobolka Jubbada Hoose Faaduma Aadan Kateella oo madasha ka hadashay ayaa Haweenka Jubbaland kula dardaarantahay in ay ilaashadaan nabad-galyada ay maanta ku naaloonayaan,waxaeyna sidoo kale ugu mahadcelisey Madaxda iyo Laamaha Ammaanka Jubbaland sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen in deegaanada Jubbaland mar uun lagu soo dabaalo daganaansho.

Deegaanada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa ka mid ahayd meelaha ugu badan ee ay saameyntu ku yeelatay dagaaladii sokeeye ee dalka,taas oo ay dhibaatada ugu badani ka soo gaari jirtay Haweenka iyo Caruurta aan waxba galabsan,balse maanta waxey qayba badan oo ka mid ah deegaanada Jubbaland heleen Amni iyo daganaansho,waxeyna dadku u soo jeedsadeen in ay ka shaqeeyaan dowladnimada iyo sidii mar uun loo gaari lahaa dowlad xoog leh oo uu yeesho dalkeenu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here