Jacinda Ardenne: Cadaalad ayay heli doonaan Muslimiintii lagu laayay New Zealand

0
594

Ra`iisal Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardenne ayaa Khudbad ka jeedisey kulan deg deg ah oo ay iskugu yimaadeen Barlamaanka New Zealand,kulanka ayaa looga hadlayay toogashadii ay ku dhinteen ku dhawaad 50 Qof halka ay ku dhaawameen tira kale.

Ra`iisal Wasaaraha New Zealand ayaa khudbadeeda ku bilowdey salaanta Islaamka,waxa ayna sheegtey in aysan marna ku dhawaaqeynin magaca dilaaga ka dambeeyay toogashadi Jimachii hore ka dhacay Labo masjid oo ku yaal Magaalada Christchurch.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqdey Muslimiinta in is garabsiiyaan oo ay is caawiyaan,dhanka kale waxa ay sheegtey in dhammaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmeyba ay heli doonaan Cadaalad.

“Waxaa jira Qof u dhashey Australia da`diisuna ay dhantahay 28 Sano jir,kaas oo lagu soo eedeeyay Eedeymo dil ah,waxaana jiri kara eedeymo kale oo soo wajihi kara,marka aan hadlayo ma sheegayo Magaciisa,waxaan idinkugu baaqayaa in aad xustaan magacyada dadkii dhintay ee aydaan xusin Qofka diley.”

 

“Arrimo badan ayuu u socdey dilaagu marka uu geysanayay falkaan,waxaana ugu horeeya in uu soo caanbaxo,sidaa daraadeed marna iga maqli meysaan magaciisa.”

“Ka Reer New Zealand ahaan ma siin doono wax xusitaan ah xitaa magac,waa Argagixiye,waa dembiile,waa NinXagjir ah,laakiin markaan ka hadlayo waxa uu noqon doonaa mid aan Magac lahayn waxa uuna wajihi doonaa Awoodda Sharciga New Zealand.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here