Masjidkii Dadka Badan Lagu Laayay ee New Zealand oo La Dayac Tirayo Si Khudba Jimcada Barri Loogu Tukado

0
553

Misaajidka Masjidu Nuur ee ku yaala magaalada Christchurch ee dalkaas New Zealand oo ah gobtii weerar argagixiso ee lala beegsaday lagu dilay 50 ruux oo khudbadii jimcada ka soo qayb galay isbuucii ina soo dhaafay ayaa dayac tir lagu wadaa si uu diyaar ugu noqdo dadka doonaya in salaada jimcada ay halkaas kaga soo qayb galaan maalinnimada bari ah.

Raysul wasaaraha dalkaas New Zealand Jacinta Arden ayaa sheegtya in ilaalo ku filan la siin doono dadka ka soo qayb gala salaadan iyada oo wali masaajida dalkaas ay ilaalinayaan askar hubaysan. Mrs Arden ayaa sidoo kale sheegtay in aadanka khudbada bari laga baahin doono samaacado ku yaala magaalooyinka dalka oo dhan isla markaana aadanka kadib la galayo 2 daqiiqo oo aamusnaan ah dalka oo dhan si loo xuso dadkii lagu dilay weerarkan.

Arden ayaa sheegtay in weerarkan oo lagu doonayay in shacabka dalkeeda nacayb lagu dhax beero uusan ku guulaysanin ujeedadii laga lahaa balse uu muwaadiniinta New Zealand isu soo dhaweeyay wacyigooda walaaltinimana sare uqaaday.

Iyada oo baarlamaanka dalkeeda la hadlaysa ayay raysul wasaaradu sheegtay in dalka ay ka mamnuucday hubka semi automatiga ah oo ah noocii lagu fuliyay weerarkan kaas oo fududaynaya in baas is xiga hal mar laga rido oo dad tiro badan gumaadi kara.

Boqolaal dad ah oo isugu jira muslimiin iyo kuwo diimo kale haysta ayaa saaka oo khamiis ah isugu soo baxay aaska qaar kamid ah dadkii gobtaas ku dhintay waxaana la arkayay safaf dhaadheer oo ay ku jiraan dad salaada janaasada ah ku tukanaya shuhadadii masjidu Nuur iyada oo la filayo in aas wadareed loo sameeyo inta dhiman salaada jimcaha ee bari kadib.

29 ruux oo ku dhaawacmay weerarkan ayaa wali yaala cisbitaalada dalkaas New Zealand iyada oo 8 dadkan kamid ahna ay xaaladoodu wali halis ku sugantahay.

28 sano jirkii werarkan gaystay oo dalka Australi udhashay daganaana jasiiradda Dunedin ee dalka New Zealand ayaa wali xabsiga lagu hayaa iyada oo 5ta bisha April la filayo in maxkamada dib loo soo taago laguna qaado dacwado kala duwan oo dil iyo argagixisonimo isugu jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here