DEG DEG: Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland+Sawirro

0
468

Mudanayaasha golaha Wakiilada Jubbaland oo maanta yeeshay fadhigii 69-aad kal-fadhigii 4-aad ee golaha oo ay soo xaadireen 54 Mudane ayaa la horkeenay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland

inta uu kulanku socday mudanayaash ayaa ka dooday meel marinta guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Dood dheer kadib waxaa mudanayaashu ay cod aqlabiyad leh ay ku meel mariyeen guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka oo ka kooban Todobo xubnood.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabay Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Madaxa Banaan ee Jubbaland kuwasoo ka shaqeyn doona xuduudaha iyo doorashooyinka.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dhawaan meel mariyay hindise sharciyeedkii ay ku shaqeyn lahayeen guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Waana qayb kamid ah balanqadkii MadaxweynahaJubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ee ahaa in wakhtigii loogu tala galay ay ku dhacaan doorashooyinka gudoonka baarlamanka,xulista xildhibaanada iyo doorashada Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here