Madaxweynaha Puntland oo socdaal ku maraya demooyinka gobollada Bari

0
591

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho ku maraya deegaano ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar.

Booqashadan oo noqonaysa middii ugu horreysay ee madaxweynu uga baxo magaalada xarunta ah ee Garoowe ayaa waxaa ku weheliya Wasiiro,Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Olole loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa ka socota magaalada Qardho, halkaa oo ay ku suganyihiin wafdi wasiirro iyo xildhibaanno isugu jira oo horudhac ah u ah wafdiga madaxweynaha.

Booqashada madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu ku tagayo magaalada Qardho oo lagu sheegay mid kooban ayaa marka uu soo gabagabeeyo, wuxuu u gudbi doona magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso oo socdaalkiisa uu ku wajahanyahay.

Wuxuu ku aaddaya socdaalka madaxweynaha Puntland xilli hay’adaha ammaanka ay la tacaalayaan xaaladda amniga ee magaalada Boosaaso, halkaa oo ay weerarro ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here