Afarta April Maalinta calanka Jubbaland

0
722

Afarta bisha April sanadkii 2013-dii, waxay ahayd maalintii la taagay calanka Dowlad-goboleedka Jubbaland, lix sano ayaa kasoo wareegtay hadda, Dowlad-goboleedka Jubbaland oo xilligaas la aas-aasay waxay talaabooyin muhiim ah u qaaday dhanka horumarka.

Qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kismaayo ayaan la dhexqaadnay mikrofoonka Jubbaland TV, waxayna ka hadleen dareenkooda.

Cabbdulaahi Maxamed Nuur hadda waa Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Jubbaland, waxa uu kamid ahaa dadkii aas-aasay Jubbaland, dhamaan dadka Jubbaland ayuu u diray hambalyo ku aadan maalinta calanka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa maalinta calanka Jubbaland ka hambalyeeyey dad ay kamid yihiin Xildhibaan Maxamed Axmed Yuusuf Wiil Waamo oo katirsan Baarlamaanka Jubbaland, Fariid Jaamac Saleebaan oo horay usoo noqday Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha Jubbaland, hadana waa ganacsade iyo Xasan Cabdulaahi Cumar Karataay oo katirsan guddiga dhulka Jubbaland.

Senatar Axmed Xaashi Maxamud oo kamid ah Mudaneyaasha Aqalka sare ku metelaya Jubbaland ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa Jubbaland ugu halbalyeeyey maalinta calanka Jubbaland.

Dowlad-goboleedka Jubbaland oo hadda lix sano jirsatay ayaa ka dhabaysay qaar badan oo kamid ah himilooyinkii iyo hankii ay u qabeen dadka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here