Is Bahaysiga NATO oo U Dabaal Dagaya Sanad Guuradiisii 70aad

0
831

Is bahaysiga NATO oo ah is bahaysi difaac oo ay ku midaysanyihiin 29 dal oo ku yaala qaaradaha Ameerikada Wuqooyi iyo Yurub ayaa manta oo khamiis ah u dabaal dagaysa sanad guuradii 70aad ee ka soo wareegtay aasaaskiisii.

NATO oo ah is bahaysiga difaac ee mudada ugu badan dhisan ayaa lagu aasaasay magaalada Washington ee dalkaasi Maraykanka 4ta Abriil sanadii 1949 waxaana xiligaas xubno ka ahaa 12 dal kuwaas oo kala ah: Maraykanka, Canada, Belgium, Denmark, Faransiiska, Iceland, Talyaaniga, Luxembourg, Netherlands, Norway, Portugal iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Ururkan oo uu saldhigiisu yahay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium ayaa haatan isu diyaarinaya in uu soo dhaweeyo dalka 30aad ee xubinka ka noqonaya, Macedoniada Wuqooyi.

Wuxuu is bahaysigan isku tilmaamaa in uu isu taagayo difaaca dalalka xubnaha ka ah isaga oo adeegsanaya awood militari iyo mid siyaasadeedba.

Qodobka 5aad ee dastuurka NATO ayaa dhigaya in weerar lagu soo qaado mid kamid ah xubnihiisa uu yahay weerar lagu soo qaaday is bahaysiga oo dhan waxaana qodobkan la hawl galiay hal mar intii ururkan la aasaasay taas oo ah weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Maraykanka sanadii 2001da.

Madaxa isbahaysiga ayaa had iyo jeer ah xoghaye guud oo rayid ah waxaana haatan horjooge u ah raysul wasaaraha Norway Jens Stoltenberg waxaana militariga NATO hogaamiya Taliska Guud ee Is Bahaysiga Yurub oo uu haatan hor joogo Jeneraal Curtis Scaparrotti.

Khatarta ugu way nee is bahaysigan soo waajahday ilaa iyo intii la aasaasay waa halis uga timaada Ruushka iyo xukuumadii uu badalay ee Midawga Sovietka.

29ka dal ee haatan xubnaha ka ah is bahaysigan ayaa ah; Albania, Belgium, Bulgaria, Canada, Croatia, Czech Republic, Denmark, Estonia, Faransiiska, Jarmalk, Greece, Hungary, Iceland, Talyaaniga, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Montenegro, Netherlands, Norway, Poland, Portugal, Romania, Slovakia, Slovenia, Spain, Turkiga, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Ciidamada uu is bahaysigan leeyahay oo ka kala yimaada dalalka xubnaha ka ah ayaa lagu qiyaasaa in ay dhan yihiin 2,203,468 halka ciidanka kaydka u ah ay dhanyihiin 2,755,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here