Falanqeynta Kulanka Barcelona VS Atletico Madrid

0
712

Kooxda Barcelona ayaa kulan xamaasad iyo xiiso
badan garoonkeeda kula yeelan doonta Kooxda Atletico Madriid kulan ka tirsan
horyaalka La Liga ee Dalka Spain .

Barcelona oo bareejo ka tuugtay Kooxda
Villarreal bartamihii asbuucan ayaa misane caawa la balansan kooxda Atletico
Madrid oo qatarteeda wadata .

Barcelona ayaa kulan xamaasad leh garoonkeeda
Camp Nou caawa 9:45 habeennimo kula yeelan doonta Kooxda Atletico Madriid kulan
ka tirsan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Barcelona ayaa guuldarro la’aan ah 18-kii
kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Ligaha Spain.

Barcelona ayaa guuldarro la’aan ah 18-kii
kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahdo kooxda Atletico tartammada oo dhan.

Atletico ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay
lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ka ciyaartay horyaalka La
Liga

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here