Masuuliyiinta guddiyada dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Kismaayo

0
486

Magaalada Kismaayo waxaa maanta soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo ku simaha Wasiirka Dastuurka dowlada Federaalka Soomaaliya ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Abuukaate Xusseen Cabdi Cilmi,waxaana safarkiisa ku weheliyay Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo Gudiga Baarlaamaanka ee arrimaha Dastuurka.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland Wasiirka Dastuurka Jubbaland,xubno iskugu jira Senataro iyo Siyaasiyiin ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay Wafdiga.


Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf oo wafdiga soo dhaweeyay ayaa la hadlaya warbaahinta waxaa uuna sheegay in shirar heer qaran ah lagu qabanayo Kismaayo.

Senatar Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid oo ah guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sababta ay shirka ugu qabsanayaan Kismaayo ay tahay amniga la mahadiyay ee ka jira magaalada.


Mas’uuliyiintan maanta soo gaadhey Kismaayo ayaa ka qayb gali doona shirar kala duwan oo looga hadlayo dhameystirka qabyo qoraalka Dastuurka dalka kaas oo ka furmaya Kismaayo.


Shirkaan waxaa ka qayb galaya Wasiirada Dastuurka dowlad goboleedyada dalka sida Jubbaland,Puntland,Galmudug Hirshabeelle  iyo Koonfur Galbeed waxa uuna socon doona muddo Saddex Cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here