Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo booqdey xarunta W.Dastuurka Jubbaland

0
499

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xusseen Cabdi Cilmi oo maalmahan howlo shaqo u joogey magaalada Kismaayo ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda arrimaha Dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka waxaa booqashadiisa ku weheliyay Wasiirada Dastuurka ee dowlad goboleedyada dalka,waxeyna qayb ka ahayeen shirweyne looga hadlayay arrimaha Dastuurka dalka kaas oo maalmihii u dambeeyay ka soconayay magaalada Kismaayo.

Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Jubbaland ayaa booqasho ka dib ka warbixiyey howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo guulihii laga gaaray howlaha Dastuurka Jubbaland.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Wasiirka Abuukaate Xusseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in la xoojin doono wadashaqeynta iyo in ay ka caawin doonaan tababarada shaqaalaha Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here