Meleteriga Sudan oo war muhiim ah laga sugayo

0
642

Saraakiisha ciidanka Milateriga Sudan ayaa la filayaa in ay goor dhow war muhiim ah ka soo saaraan xaalada cusub ee soo korortay, sida ay warbaahinta Dowladda ay sheegtay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaalada Madaxweyne Al-Bashiir, qaar ka mid ah warbaahinta Carabta ayaa sheegaya in uu xilka ka degi doono, halka warar kalena sheegayaan in xabsi guri la geliyay.

Weli ma cadda xaalada dhabta ah, waxaana xaalada dalka mid aan kala caddeyn, inkastoo ay muuqato in Milateriga la wareegay talada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay masuuliyiin ay kamid yihiin Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Suudaan Cusman Maxamed Daaha , Maxamed Xuseyn oo la sheegay in uu aad ugu dhow yahay Madaxweyne Cumar Al-Bashiir iyo Madaxa Xisbiga talada haya ee Suduaan Maxamed Haaruun.

Saadaashu waxay u badan tahay in ay Meleterigu la wareegaan talada dalka Madaxweyne Al Bashiirna lagu khasbo in uu is-caislo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here