Milateriga Sudan oo si rasmi ah talada ula wareegay, xabsigana dhigay Cumar Xassan Al Bashiir

0
558

War hadda kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga dalka Sudan ayaa lagu sheegay in la xiray Madaxweynahii dalka Sudan Cumar Al-Bashir, islamarkaana ay dalka afgabiyeen ciidanka Meleteriga

Awad Ibn Ouf oo ka hadlay taleefishinka Dowladda Sudan ayaa sheegay in Mileterigu ay go’aansadeen in ay xukumaan dalka labada sano ee soo socota kadibna la qabto doorasho.

 “Saddex sano oo xukun deg-deg ah ayaan ku soo rognay dalka,Cumar Xasan Al-Bashirna waxaa lagu hayn doonaan meel amni ah.”ayuu yiri Awad

Dalka dhan waxaa la geliyey xaalad deg deg ah dastuurka waa la hakiyay ku dhaqankiisa, waxaa la xirey xuduudaha dalka Sudan illaa amar dambe, waxaa amar lagu bixiyey hawada dalka Sudan in muddo 24 saacadood ah laga joojiyay in ay diyaaradaha dul maraan.

Cumar Al-Bashir muddo 30 sano ah ayuu soo xukumaayey dalka Sudan, kacdoonka hadda xilka looga tuuray wuxuu bilowday bishii December ee 2018, wuxuuna salka ku hayey qiimaha shidaalka iyo Rootiga oo kor u kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here