Xogtii ugu dambeysay ee xaaladda dalka Sudan

0
618

Xaalada siyaasadeed ee dalka Sudan ayaa haatan ku jirta marxalad jahwareer lagu tilmaami karo iyada oo uu caalamka si wayn uga dhur sugayo Militariga dalkaas oo sheegay in uu go’aan uu ku tilmaamay mid muhiim ah ku dhawaaqi doono saacadaha fooda inagu soo haya gudohooda.

Dibadbaxayaasha dalkaas ayaa wali isu soo baxaya kuna sii qulqulaya dhismaha saldhiga Militariga hortiisa oo ah goobta ay dibadbaxayaasha ku sugnaayeen lixdii maalmood ee ina dhaafay.

Waxaan halkan ku xusaynaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay dalkaas intii uu waagu baryay maanta:

1. Ciidamada Militariga Sudan ayaa la wareegay xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka iyaga oo hakad galiyay baahintii caadiga ahayd isla markaana sheegay in laga dhur sugo war muhiim ah oo hogaanka ciidankaa ka soo yeedhi doona.

2. Ururka xirfadleyaasha Sudan oo ah qabaanqaabiyaha banaanbaxyadan ayaa ugu baaqay shacabka dalkaas in ay isugu wada yimaadaan xarunta Miltariga hortiisa isla markaana kuwa goobtaas ku sugan aysan ka tagin inta laga xaqiijinayo dalabaadkooda.

3. Wakaalada wararka Reuters ayaa ku soo warantay in wadooyinka waawayn ee Khartuum lagu arkayo tiro aad u badan oo ciidanka Miltariga ka tirsan kuwaas oo xidhay waddooyinka iyo buundooyinka waa-wayn ee caasimadda.

4. Garoonka caalamiga ah ee Khartuum ayay ciidamada Militariga xidheen iyaga oo joojiyay duulimaadyadii la filayay in ay ka duulaan garoonkaas inta uu ciidanku ka baahinayo go’aanka uu sheegay in laga sugo. Diyaaradaha ku soo degaayey garoonkaas ayaa loo ogolaaday in ay soo degaan sida ay ku soo warantay Al Jazeera.

5. Madaxa xafiiska Al Jazeera ee Khartuum ayaa sheegay in xubno kamid ah Militariga Sudan ay la xidiidheen Madaxwayne Cumar Xassan Al  Bashir una sheegeen in xilalkii uu hayay gabi oo dhan laga wareejiyey.

6. 150 ruux oo ka tirsan madaxda siyaasadeed ee dalka ugu saraysa ayaa la xidhxidhay.

Al Jazera ayaa sheegtay in dadka la xidhxidhay ay kamid yihiin:

  • Axmad Haruun – Madaxa Xisbiga talada haya ee dalkaas.
  • Cali Cusmaan Daha – Madaxwayne ku xigenkii kobaad ee hore ee dalkaas.
  • CabdulRaxiim Muxammad Xuseen – Wasiirkii hore ee difaaca ee Sudan.

7. Militariga dalka ayaa weeraray oo la wareegay xafiiska xisbiga Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah oo gacan saar dhaw la leh xisbiga talada haya ee dalkaas, wuxuuna madaxa xafiiska Al Jazeera ee Khartuum ku soo waramay in hogaamiyihii xisbigaas la xidhay abaare 11 barqanimo saaka.

8. Ururka xirfadleyaasha Sudan ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in aysan ogolaan doonin af gambi kale oo militari iyaga oo sheegay in ay doonayaan in xukuumad ay dad rayid ah hogaaminayaan oo matalaysa dhinacyada kacdoonkan hogaaminaya lagu badalo xukuumada Cumar Al Bashir.

9.  Madaxa xidhiidhka caalamiga ee Ruushka ayaa dhacdooyinka ka soconaya Sudan ku tilmaamay afgambi militari isla markaana aan la ogolaan karin isbadal ka baxsan dastuurka dalka iyo shuruucda caalmiga waxa ay dhigayaan.

Ilaa hada lama oga in ay Militariga xilka la wareegayaan iyo in uu Al Bashir ku xigeenkiisa xilka ka wareejin doono iyada oo waddooyinka caasimadda dalkaas lagu arkayo shacab dabaal dagaya iyaga oo ku dhawaaqaya hal ku dhigyo ka turjumaya in dawladii hore xukunka laga riday iyo in uu guulaystay kacdoonkoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here