Dad lagu xiray hawlgallo cadaado laga sameeyay

0
405

Ciidamada ammaanka ayaa magaalada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud waxa ay ka sameeyeen howlgal lagu qabtay dhowr qof oo lala xiriirinayo falal amni daro oo ka dhacay Cadaado.

Gudoomiyaha degmada Cadaado C/llaahi C/raxmaan Xuseen [Tootoolle] ayaa sheegay in laqabtay shaqsiyaad weeraray dad ka shaqeeya dhismaha oo dhawaan ka yimid Koonfurta Soomaaliya.

Sababta dadkaas loo beegsaday ayuu sheegay in ay tahay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka cabanaya in ay la wareegeen shaqooyinkii ay qaban lahayeen dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here