Booliska Soomaaliya oo baaritaan ku wada haweeney xadey Ilma yar

0
619

Maamulka Gobolka Benaadir iyo taliska Booliska ayaa waxaa ay baaritaano ku hayaan Haweeney Ilma yar galabtii Khamiista aheyd ka xaday Isbitaalka Soos ee Magalada muqdisho.

Haweeneyda ayaa cunuga oo saacado kaliya dhalan xaday,waxaana howlgal la sameeyey laga soo qabtay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyada oo cunuga yar lagu wareejiyey Hooyada dhashay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaritaan lagu haayo haweeneyda iyo dhowr qof oo kale oo ka mid ah qoyskeeda oo howlgalka lagu soo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here