Kismaayo: Waddada Via Afmadow oo qarka u saaran in ay xiranto qashin awgiis

0
560

Waddada Via Afmadow oo magaalada Kismaayo uga baxda dhanka galbeed, waa tan ay hadda isticmaalaan gaadiidka gobolada kale ee dalka ku xira magaalada Kismaayo.

Jidkaan waxaa buux dhaafiyey qashin badan oo lagu daadiyey, waxeyna qarka u saaran tahay in ay waddadu xiranto.

Caddaani Xassan Guulleed oo kamid ah howlwadeenada maamulka gobolka Jubbada Hoose ayaa Jubbaland TV u sheegay qashinkaan uu sababay shil ay ku geeriyootay hooyo xaamilo oo wadatay gaari dambeer, shilka ayaa yimid kaddib markii gaari weyn oo ay ku adkaatay in uu maro qashinka uu rogmaday.

Guddoomiyaha gobolka Jubada Hoose Cabdirashiid C/laahi Cali Gooni oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gobolka ee magaalada Kismaayo ayaa si kulul uga hadlay qashinka waddadaan saameeyey wuxuuna amar ku bixiyey sida ugu dhaqsaha badan looga nadiifiyo, Cabdirashiid C/laahi Cali Goonni ayaa digniin u diray dadka sida dhuumashada qashinka ugu shubo waddadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here