Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka Garoowe

0
475

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya shirka lagu ballansan yahay in uu ka dhaco magaalada Garoowe.

Wafdi horudhac ah oo isugu jira Wasiiro iyo howlwadeeno ka tirsan Xafiisyada Madaxda dowladda ayaa maanta tagaya magaalada Garowe, sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay si kala gaar gaar ah u tagi doonaan Garoowe.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo La Taliyeyaashooda ayaa wadatashiyo ka lahaa waxyaabaha ay la tagayaan shirka Garoowe, waxaana la sheegay in qorshayaal cad ay la tagi doonaan oo ku aadan hanaanka doorashooyinka ee dalka ka dhacaya 2020/2021.

Shirka Garowe oo uu horaantii todobaadkan ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ku casuumay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad-goboleedyada in ay shir wadatashi kasoo qeyb galaan.

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shirkan, si ay kor-joogto uga noqdaan arrimaha looga hadlayo, isla markaana meesha looga saaro mad madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay muddooyinkii u dambeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed, midda amniga ee dalka, geeddi socodka doorashooyinka, dhameystirka dastuurka qabyada ah iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in ay saluugsanaayeen qaabka shirka looga casuumay hab maamuus ahaan, hase ahaatee waxaa markii hore jiray cadaadis Beesha caalamka ku saareysay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada in ay shir isugu yimaadaan, kaddib markii uu baaqday shirar dhowr ah oo Madaxweynuhu ku baaqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here