Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa

0
461

Laamaha amniga ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca Caasiga loo yaqaano oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ka dib markii ay kusoo wargeliyeen Ciidamada shacabka ku dhaqan deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ciidamada Amniga ayaa ku qabtay Gaarigan aga-gaarka Xaawo Cabdi ee deegaanka Ceelasha Biyaha kaas oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed sida ay sheegtay Zakia Xuseen Axmed oo ah Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay inta lagu guda jiray fur-furista Gaariga Qaraxa ay Al-shabaab baabuurkaas qarxiyeen taas oo sababtay dhaawaca hal Askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here