Gabdhaha waxbarta oo lagu dhiiri-geliyey ka guul gaarista waxbarashada

0
604

Kulankaan oo lagu dhiiri-gelinayey waxbarashada gabdhaha oo ay soo qaban qaabisay Dalladda hormarinta haweenka ee Xaawa ayaa waxaa kasoo qayb galay gabdhaha wax ka barta iskuulada magaalada Kismaayo iyo marti sharaf kale oo u badan bahda waxbarashada.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray waxyaabaha hakadka geliya waxbarasha gabdhaha ee sababa in gabdho badan ay ka haraan waxbarashada.

Hinda Axmed Nuur Guddoomiyaha Dalladda Xaawa ayaa sharraxaad ka bixisay sababaha hakiya waxbarashada gabdhaha, waxayna gabdhaha ku boorisay in ay waxbarashada xoojiyaan si ay naftooda iyo dadkooda u anfacaan.

Xaliimo Cabdisalaan Maxamed oo ka mida ah gabdhaha wax ka barta dugsiyada sare ee magaalada Kismaayo ayaa sheegtay in loo baahan yahay in sare loo qaado waxbarashada iyo hanka gabdhaha.

Sahra Cabdiqaadir Carte oo ah aas-aasaha iskuulka xanaanada carruurta ee Ubaxa Rajada ayaa gabadhaha ardeyda ah kula dardaarantay ka guul gaarista waxbarashada.

Salma Yuusuf Maxamed oo katirsan Dalladda Xaawa ayaa sheegatay in gabdhaha ay ka guul gaari karaan hamigooda waxbarasho, waxayna tusaale usoo qaadatay qaar kamid ah gabdhaha waxbartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here