Shirkadaha Mareykanka ee ka howlgala Shiinaha oo wajahaya cabsi ganacsi

0
374

Shirkadaha ganacsiga ee dalka Mareykanka laga leeyahay ee ka howlgala dalka Shiinaha ayey la soo daristay cabsi xooggan kaddib markii xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo Mareykanka uu gaaray meel xun.

Isaga oo la hadlayey BBC-da guddoomiyaha guddi ay leeyihiin ganacsatada Mareykanka ee shiinaha ka howlgala, Tim Stratford waxa uu sheegay in ay aad ugu walwalsanyihiin jawaabta ka imaan karta dalka Shiinaha oo laga cabsi qabo in ay sii murjiso xaaladda taagan.

Mareykanka ayaa shirkadda dhanka tiknoolijiyada isgaarsiinta ee Huawei ku daray shirkado aan galaangal wanaagsan ku yeelan Karin ka howlgalidda Mareykanka.

Todobaadkii la soo dhaafay, madaxweyne Trump ayaa liiska madow galiyey shirkadda Huawei, taas oo ka mamnuuceysa shirkadaaas in ay ka hesho qalab tiknoolajiyadeed shirkadaha mareykanka ah, haddii aysan helin ogolaanshaha dowladda.

Shiinaha ayaa ku hanjabay in uu ka aargoosan doono mareykanka isaga oo aan faah-faahin dheeri ah bixinin.

Stratford, ayaa sheegay in ay dareensanyihiin in Shiinuhu uu damacsan yahay in uu ka aarsado shirkadaha mareykanka laga leeyahay ee shiinaha ka shaqeeya, isaga oo xusay in walaacoodu uu yahay mid dhab ah.

Mareykanka ayaa canshuur dhan 200 bilyan oo doollar ku soo rogay badeecadaha mareykanka ee ay soo galiyaan shiineysku, taas oo macnaheedu yahay in canshuurta laga kordhiyey 10% lagana dhigay 25% horraantii bishan, markii Washington iyo Beijing ay ku guul dareysteen gaarista heshiis ganacsi.

Shiinaha ayaa si horudhac ah u sheegay isna in badeecadaha laga keeno Mareykanka uu ku soo rogay canshuur dhan $60 bilyan, taas oo ka bilaabaneysa bisha Juun bilowgeeda.

Talaadadii shalay shirkadaha kabaha sameeya ee dalka mareykanka ayaa madaxweyne Trump ka codsaday in uu soo gabagabeeyo dagaalka ganacsiga ee uu Shiinaha kula jiro, iyaga oo ka digay in shirkadaha mareykanka ay wajihi doonaan cawaaqib xun.

Warqad ay saxiixeen 173 shirkadood, oo ay ku jiraan Nike iyo Adidas,ayaa lagu sheegay in kordhinta canshuurta Mareykanka oo ah boqolkiiba 25 ay keeni doonto in si xun ay u saameyso dabaqada shaqeysa ee mareykanka.

Shirkadahan ayaa xusay in canshuurta oo kor loo qaado ay markastaaba caqabad ku tahay ganacsatada.

Xiisadda u dhexaysay Maraykanka iyo Iran oo cirka isku shareertay

Xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Tehran ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, waxayna u muuqataa mid cirka isku sii shareeraysa, waxaan laga cabsi qabaa in mandiqadda Bariga dhexe uu ka holco dagaal u dhaxeeya labada Dowladood ee Maraykanka iyo Iran

Madaxweynaha Maraykanka ayaa iska diiday inuu ka qeyb galo kulan khaas oo ay Afhayeenadda Aqalka Wakiilladda ee dalkaasi, Nansi Pelosi  guddoomin lahayd, kaasi oo ay Xildhibaanadda Aqalka Dimuqraadiga kaga xaajoon lahaayeen Baaritaanada lagu hayo maamulka Trump iyo in la furo dooda ku aadan ficilka mooshinka isaga laga keenay.

Xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiilladda ee dalkaasi oo lagu magacaabo Frederika Wilson ayaa sheegtay in uu Madaxweyne Trump dagaal gelin doono Maraykanka, isagoo tuhun ka qaba in ay mudanayaasha Dimuqraadiga ka keeni doonaan mooshin xilka looga qaadayo.

Xildhibaanadda oo la hadashay Wargeyska The Hill waxay intaasi ku dartay haddii xilli dagaal la galo inaysan Dadka Maraykanka oggolaan doonin in Moshin laga keeno Madaxweynaha xilliga colaadda.

Dhinaca kale, Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa laga codsaday inay Kumanaan ciiddamo dheeraad ah loo diro Bariga Dhexe, si loogu xoojiyo Ciiddanka Maraykanka ee loo diyaariyey Dagaal ka dhan ah Iiraan.

Ilaa 5,000 Askari oo dheeraad ah ayaa la filayaa in loo daad-gureeyo dalalka Bariga Dhexe, waxaana laga yaabaa ina tiradooda la gaarsiiyo 10,000 oo Askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here