Maxkamadda C.Q oo xukun dil ah ku redey Askari horey dil u geystey

0
516

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Askari ku eedeysan dilka Darawal Mooto Bajaaj, kaasi oo darawalka ku dilay Muqdisho.

Eedeysanaha la xukumay ayaa lagu magacaabaa Dable Boolis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan ku dilay Darawal Mooto bajaajle oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Guure, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo mooto bajaajka Saarna.

Maxkamadda ayaa sheegtay eedeysanaha la xukumay inuu haysto Racfaan uu ka qaadan karo kiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here