Madax ka socoto maamulka Koonfur galbeed oo booqday deegano Shabaab laga xoreyay

0
591

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Ibraamin Aadan Cali Najax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tegay deegaano dhawaan Ciidanka xooga dalka kumaandooska Danab ay kala wareegeen Al-shabaab.

Xildhibaano Siidow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ,Wasiirka amniga Koonfur Galbeed,iyo xubno kale oo ka socday Maamulka Gobolka Shabeellaha ayaa ku wehlinayay kormeerka Guddoomiye Najax,isla markaana waxaa ay tageen deegaanka Bariire oo ah deegaan Istiraatiiji ah,iyagoona ku gaaray safar dhanka dhulka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here