Tababar lagu baranayay badqabka Biyaha oo Kismaayo lagu soo gabgabeeyay

0
450

Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa koox dhalinyaro ah usoo gaba-gabaysay tababar socday muddo labo maalmood ah kaas oo lagu baranaayey sifeynta biyaha, ka ilaalinta wasakhda iyo hubinta caafimaadka biyaha.

Mashruucaan waxaa Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbaland ka taageertay hay’adda IOM oo kaashaneysa bangiga horumarinta Africa.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo tababarka soo xiray ayaa kasoo qayb galeyaasha kula dardaarmay in ay bulshada dib ugu celiyaan aqoonta ay faa’iideysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here