Ururka Ardayda Jubbaland oo kulan dhiirigelin ah u qabtay Ardayda ka qalin jebisay Dugsiyada Sare

0
403

Ururka Ardayda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan dhiiragelin ah u qabtay Ardayda ka qalin jebisay dugsiyada sare ee magaalada Kismaayo.

Tababarka waxaa ka soo qayb galay Xubno ka socdey Ururka Dhalinyaradda Jubbaland, Arday iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jubbaland.

Ujeedada tababarka ayaa ahaa kala talinta Ardayda caqabadaha soo wajihi kara marka ay ku biirayaan Jaamacadaha iyo qaabka ugu fudud ee ay u dooran karaan kuliyadaha ay doonayaan.

Cabdullaahi Xuseen Maxamed Guddoomiyaha Ururka Ardayda ayaa sharraxaad dheer ka bixiyey muhiimadda uu tabarku u leeyahay waxa uuna sheegay in ay ardeyda ku cusub Jaamacadaha ay ka caawin doonaan wax badan oo la xiriira Waxbarashada.

Guddoomiyaha Dhalinyaradda Jubbaland Cabdiwahaab Bilaal Axmed ayaa ugu baaqay Jaamacadaha dalka in ay ka jawaabaan baahiyaha Ardayda dhamaysa dugsiyada sare.

Agaasimaaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaraha Jubbaland Cabdiraxmaan Xaaji Axmed ayaa kula dardaarmay Ardayda in ay ka faa’iideystaan waqtigooda ismarkaana ay ku dedaalaan ka guul gaarista waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here