Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland oo qabatay kulan looga hadlaayey xaqiijinta mira-dhalka mashaariicda xasilinta

0
379

Shirkaan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha gudaha Jubbaland, waxaana looga hadlaayey xiriirinta hay’adaha ka shaqeeya Barnaamijyada xasilinta, dowladaha hoose iyo xaqiijinta mira-dhalka mashaariicda xasilinta.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay maamulka degmada Kismaayo. Masuuliyiinta maamulada gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo, qaar kamid ah Wasaaradaha Jubbaland iyo wakiillo ka socday hay’adaha Jubbaland kala shaqeeya Barnaamijyada xasilinta iyo horumarka deegaanada laga xoreeyo cadawga.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed iyo Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Goonni oo markii kulanka soo dhamaaday la hadlay Jubbaland TV ayaa sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dhulka dhowaan laga xoreeyey kooxaha cadowga ee gobolada Jubbaland

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha gudaha Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa faah faahin ka bixiyey muhiimadda Barnaamijyada xasilinta iyo waxyaabaha laga faa’iiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here