Kulamada wadatashiga bulshada oo asbuuc kadib maanta lagu soo gaba-gabeeyey Kismaayo

0
393

Kulamada wadatashiga ah oo ahaa aqoon isweydaarsigaan loogu magacdaray heshiis bulsho oo muddo asbuuc ah ka socday magaalada Kismaayo ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyey.

Intii uu socday Aqoon isweydaarsiga ayaa looga dooday arrimo ay kamid yihiin amniga, arrimaha bulshada, caafimaadka, waxbarashada, deegaanka, wax soo saarka, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah, sidoo kale waxaa laga hadlay sidii bulshada Jubbaland ay u dooran lahayd Baarlamaan si dhab ah u metela.

Maanta oo ahayd gaba-gabada kulamadii taxanaha ahaa ayaa waxaa lagu soo bandhigay macluumaadkii kulamada oo qoraal ah, waxaana qayb ka ahaa aragtida dadkii kulamada kasoo qayb qaatay, waxaana akhriyey Cabdi Xiis oo kamid ah Aqoonyahanada Barnaamijkaan waday.

Barnaamijkaan oo wajiigiisa 1-aad la qabtay 14-kii bishii February ayaa qodobada looga hadlaayey waxaa qayb ka ahayd adkeynta midnimada dadka Jubbaland, Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo Barnaamijkaan soo abaabulay ayaa faah faahin ka bixiyey.

Guddoomiyahii hore ee Ururka Haweenka Jubbaland hadana kamid ah musharaxiinta u taagan kamid noqoshada Baarlamaanka Jubbaland Badraan Maxamed Cabdulle ayaa tilmaantay in aan cidna loogu dulqaadan doonin carqaladeynta amniga Jubbaland

Xildhibaan Maxamed Cumar Caana-nuug oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo dooray Jubbaland ayaa bogaadiyey wadatashiga ah ee loo qabtay bulshada Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in midnimada bulshada Jubbaland ay tahay waajib saaran dhammaan dadka deggan gobolada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here