Gen Diini oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in baaritaan sax ah lagu sameyo weerarkii ka dhacay xarunta G/Banaadir

0
467

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo qaraxii ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhinteen masuuliyiin, kuna dhaawacmeen dad uu ka mid yahay Guddoomiyaha G/Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisow.

Jen. Diini ayaa sheegay in dilka shacabka iyo dadka birmo-geydada ah ee beegsanayaan argagixisadu aysan wax guul ah ka gaareyn, waddan horumarkiisuna uu gacanta ugu jiro shacabka Soomaaliyeed ee ka daaalay dagaalada iyo dhibka maalin walba soo gaaraya.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in shacabka loo sheego loona cadeyo sida ay wax u dhaceen meeshana laga saro is dhigashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here