Ciyaar dhex martay deegaanka Qaamqaam iyo xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo

0
547

Ciyaartaan oo qayb ka ah tartanka Safarka Nabada islamarkaana u dhaxeysay Xaafadda Shaqaalaha ee degmada Kismaayo iyo Deegaanka Qaam-qaam ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta ee deegaanka Goobweyn.

Boqolaal qof oo ka yimid deegaanka Qaam-qaam, magaalada Kismaayo iyo deegaanka Goobweyn ayaa u soo daawasho tegay ciyaarta.

Ciyaartoyda labada kooxood ee Shaqaalaha iyo Qaam-qaam ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso galisay taageerayaasha, labada kooxood ayaa bareejo eber iyo eber ah isla dhaafi waayey wakhtiga caadiga ah ee ciyaarta, balse kooxda deegaanka Qaam-qaam ayaa ku badiday gool ku laadkii kala reebta ahaa.

Ciyaartoyda labada koox ayaa watay Funaanado ay ku qoran yihiin Marxuum Hodan Naaleeye iyo Marxuum Fariid Jaamac Salleebaan oo 12 bishaan ku geeriyooday weerarkii Argagixisadu ku qaadeen Hotel Madiina Ex cascaseey.

Markii ay soo idlaatay Ciyaarta ayaa Jubbaland TV waxaa dareenkooda uga warbixiyay labada Kabtan.

Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Axmed Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta degmada Kismaayo ayaa ugu dambayntii ka warbixiyey qaab ay u socdaan ciyaaraha tartanka safarka nabadda oo hadda gaba-gabo ku dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here