Shirka maalgashiga Puntland oo maalintii 2-aad ka socda Garoowe

0
331

Shirka Maalgashiga Dowlad Goboleedka Puntland oo shalay si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe.

Shirka Maalgashiga Dowlad Goboleedka Puntland nayaa waxaa ka qeyb-galaya ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaanib ah,kuwaasi oo kala socda ku yaalla qaarada Afrika, wadamada Carabta, Shiinaha iyo dalal kale oo mudada shirku socdo loo bandhigi doono fursadaha maal-geshi iyo kuwa ganacsi ee ka bannaan deegaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Saddex maalmood ah,isla markaana inta uu socdo ayaa waxaa lagu soo bandhigi doono fursadaha Maalgashiga u baaha Puntland sida Xoolaha,Kheyraadka Badda iyo macqanta iyo kuwo Fursade kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here