Kismaayo: Madax ka socotay Jubbaland oo kormeer ku tagtay deegaanka Qandal

0
409

Madax ka socotay Wasaaradda arrimaha gudaha,dawladda hoose  Hay’adda dhulalka Dowlad Goboleedka Jubaalandayaa  kormeer indha-indhayn ah ku tagay Tuulada Qandal ee duleedka magaalada Kismaayo.

U jeedka kormeerka ayaa ahaa in deegaanka Qandal loo qorsheeyo sidii dib u dajin loogu samayn lahaa dadka dib ugu soo laabanaya xeryaha qaxootiga dalka Kenya iyo barakacayaasha gudaha ah.

Si gaar ah waxaa dib u dajintan deegaankan uga faa’iideysanaya dadka ka shaqaysta xirfadda kalluumeysiga kuwaas u baahan in gacan laga siiyo xirfadooda si ay u maareeyaan noloshooda.

Goobtan ay masuuliyiintu isla qaateen in laga aasaaso deegankan  ayaa waxa ay masaafo dhan10KM u jirto magaalada kismaayo.

Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Aadan Faarax Gaarane oo kormeerka ka dib la hadlay Warbaahinta Jubbaland ayaa dhankiisa bulshada kula dardaarmay in laga wadashaqeeyo hormarka iyo nabadgalyada dhulkaaan.

Waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu qorshaynayso in deegaankan cusub loo dhamays tiro adeegyada asaasiga ah inta aan la soo dajinin dadkii loo qoondeeyay.

Magaalada Kismaayo waxaa ku nool qaxooti badan oo dib uga soo laabtay xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya kuwaas oo intii ka dambaysay sanadii 2016ka dib u dajin loogu sameeyay Deegaanada Jubbaland .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here