Madaxweyne Xaaf’’ Waxaan dib ula soo noqday mas’uuliyadii Galmudug oo aan horay ugu wareejiyay dowladda

0
578

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in uu dib ula soo laabtay mas’uuliyadii Galmudug oo uu horay ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay kaddib markii uu ogaaday in dowladdu ku fashilantay muddo saddex bilood ah in natiijo la taaban karo ka gaarto arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabi doono guddiyo ka shaqeeya arrimaha dib-u-heshiisiinta, doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here