Baqdaad: Rashado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Ciraaq

0
466

Afar maalin oo xiriir ah waxaa magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ka soconaya rabshado iyo dibad baxyo sababay dhimashada in ka badan 60 Qof sida ay ku warameen gudiyada xuquuqda aadanaha dalkaas.

Dibadbaxyadan ayaa looga soo horjeeda xukuumadda uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Caadil Cabdi AL-Mahdi taas oo la sheegay in ay ku tillaabsatay musuqmaasuq baahsan.

Ciidamo ka amar qaata xukuumadda Ciraaq ayaa Rasaas nool nool u adeegsanaya dadka dibadaxaya,waxaana laga deyrinayaa xaaladda dalka Ciraaq oo haatan u muuqda mid galay marxalad cusub.

Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa shiicada dalkaas Muqtada al-Sadri ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq in uu ka dago xilka si loo badbaadiyo shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here