Wali waxaa socota Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland

0
399

Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa haatan ka socota Hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo.

Madax kala duwan iyo Siyaasiyiin raad ku leh siyaasadda dalka ayaa ka qayb galaya.

Sidoo kale waxaa qayb ka ah Madax ka socota Xisbiyada Siyaasadda dalka.

Waxaa ugu horeyn hadlay gudoomihii doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barrewaxa uuna sharaxaad ka bixiyay habraacii doorashooyinkii dhacay.

” Dastuurka wuxuu xaq inoo siinayaa inaan anaga hawlaha doorashada wadno wixii intaa ka baxsan ee banaanka ka yimaada waa xad gudub iyo afgambi inaga ayaa leh awooda iyo habraaca doorashada DFS waxa ay nagu haysay waxay ahayd xadgudub” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here