Dawladda oo Ka Hadashay Weeraro Al Shabaab Ka Dhan Ah oo Laga Fuliyay Kuunya Barrow

0
251

Hawlgal ballaran oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-shabaab, sida ay qortay wakaaladda wararka  dawladda ee SONNA.

Hawlgalkan oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamo Maraykan ah ayaa la sheegay  in lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka hawlgalka laga fuliyay.

War qoraal ah oo laga soo saaray hawlgalkaas oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah,mudadii uu socday howlgalkaas.

“Waxaa lagu dilay hawlgalkaas sarkaal ka tirsanaa Alshabaab xilli uu ku sugnaa deegaanka Kuunya Barrow, waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah,” ayay dheheen saraakiisha ciidamada howlgalkaasi hoggaaminaysay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Mareykanka iyo kuwa AMISOM ah ayaa hawlgalo dhawr ah oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here