Madaxwaynaha Jubbaland oo Si Wayn Loogu Dhaweeyay Magaalada Kismaayo

0
309

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland kadib safar shaqo oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa muddo 20 cisho ah.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland, labada gole ee dawlad goboleedka Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee ururada bulshada ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee garoonka halkaas oo uu si kooban uga warbixiyey safarkiisa shaqo iyo waxyaabihii u soo qabsoomey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi uu kulamo kala duwan la qaatay beesha caalamka, saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo madaxda dalka aan dariska nahay ee Kenya dhamaantoodna uu kala hadlay arrimo khuseeya amniga, siyaasadda iyo sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka dawladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada u dhexeeya.

Madaxweynaha ayaa si kooban uga hadley xaalada gobolka Gedo iyo tallaabooyinka lagu carqaladeynayo amniga iyo dawladnimada dalka ee ay Dawladda Federaalka ka wado halkaas, kuwaas oo uu sheegay inaysan ku guulaysan doonin isaga oo sidoo kale xukuumadda uga digay in aysan baalmarin dastuurka dalka u yaala.

Sidookale Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya haatan aan lagu hagi Karin kaligii talisnimo iyo lab la kac ee xalka ay u baahantahay uu yahay wadatashi iyo in isfahan rasmi ah laga gaaro talo walba oo la isku qabto.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn sheegay in DFS ay shaqooyinkii la doonayay in ay dalka u qabato ku soo koobtay in ay burburiso maamul goboleedyada dhisan oo aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin isaga oo intaa ku daray in arinkan lagala xisaabtami doono dawladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here