AMISOM oo 19 Askari oo Soomaaliya Ka Hawlgala Ku Abaal Marisay Shaqo Wanaag

0
420

Hawl galka Midawga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa 19 askari oo u dhashay dalalka Nigeria iyo Sierra Leone ku abaal marisay ka qayb qaadashada dadaalada nabadaynta iyo sugidda amniga Soomaaliya.

19kan askari oo ay 8 kamid ah u dhasheen Nigeria halka 11 ay yihiin muwaadiniin ka socda Sierra Leone waxaa maalinnimadii Jimcada ahayd u soo idlaaday mduo sanad ah oo ay Soomaaliya ka hawl galayeen waxaana la filayaa in ay askartan dalalkooda dib ugu laabtaan.

Askartan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa dhigooda Soomaalida ah iyo ixtiraamka ay u muujiyeen bulshada ay u shaqaynayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here