Maxkamadda Ciidanka Jubbaland oo xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku riday labo eedaysane

0
731

Maxkamadda ciidanka Jubbaland ayaa maanta u fariisatay go’aan ka gaarista kiis dil ah oo ay fadhi ka yeelatay ilaa saddex mar oo hore.

Maxkamadda ayaa xun dil ah ku ridday Bakar Xassan Jimcaale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad, kadib markii ay ku heshay dilka Siyaad Maxamed Cumar oo katirsanaa ciidanka nabadsugidda Jubbaland kaasi oo dhacay 20-bishii November 2019.

Eedaysane Bakar Xassan Jimcaale ayaa maxkamadda ka hor qirtay in qorigiisa ay ka dhacday 8 xabadood.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in baaritaan dheer kadib ay heshay cadaymo muujinaya in dilka uu geystay Bakar Xassan Jimcaale

Sidoo kale maxkamaddu waxay lix bilood oo xarig ah ku xukuntay Cabdi Maxamed Makaawe oo Bakar Xassan Jimcaale la socday xilliga uu dilku dhacaayey, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka Jubbaland.

Guddoomiye kuxigeenka maxkamadda ciidanka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ciidanka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here