Barakcayaasha ku nool deegaanada waqooyiga Kismaayo oo Agabyo la gaarsiiyey

0
603

Maamulka degmada Kismaayo iyo kan gobolka Jubada hoose ayaa agabyo ka kooban bacaha roobka, maro kaneecooyin iyo jawaano loogu tala galay in la isaga mooso daadadka roobka waxay gaarsiiyeen dadka barakacayaasha iyo danyarta ah ee ku nool deegaanada Buulaguduud, Yoontooy, Qaamqaam iyo Goobweyn, deegaanadaan waxaa saameeyey fathaadaha uu bilihii lasoo dhaafay sameeyey wabiga Jubba.

Maamulada Tuulooyinka Yoontooy iyo Qaamqaam kadib markii ay la wareegeen agabyada waxay ka mahadceliyeen adeegyada lasoo gaarsiiyey, waxayna sheegeen in lagu soo beegay xilli aad loogu baahi qabay.

Agaasimaha arrimaha bulshada ee gobolka Jubada hoose ayaa maamulada deeganada waqooyi ee degmada Kismaayo faray in adeegyada lasoo gaarsiiyey ay uga faa’iideeyaan dadka jilicsan ee sida weyn ugu baahan.

Guddoomiyaha maamulka degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiintii la socotay ayaa sidoo kale waxay xarigga ka jareen xafiiska bulshada ee deegaanka Qaamqaam.

Guddoomiyaha maamulka degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo Jilic ayaa xarig jarka kadib waxa uu maamulka iyo bulshada deegaanka Qaamqaam ku amaanay sida ay u ilaaliyeen dhirka iyo bay’ada deegaanka, wuxuuna faray adeegyada ay soo gaarsiiyeen deegaanka in lagu wareejiyey dadka danyarta ah iyo barakacayaasha.

Boqolaal qoys oo isugu jira danyar iyo barakacayaal tabaaleysan ayaa ku nool deegaanada dhaca waqooyiga magaalada Kismaayo, inta badan deeqaha la gaarsiiyo dadkaan maaha kuwa kaafiya baahiyahooda, maadaama ay aad u badan tiradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here