Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodobo muhiim ah

0
446

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey Xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wada shaqayn la’aanta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo saamayn ku yeelatay arrimaha ammaanka dalka iyo hanaanka doorashooyinka taas oo ilaa hadda aan wax hormar ah laga samaynin.

Dhinaca kale guddiga dakhliga Jubbaland ayaa laga dhegaystay warbixin la xiriirta dhaqaalaha iyo sidii loo dardar gelin lahaa iyadoo Madaxweynahu uu faray in hannaanka canshuuraha iyo dakhli abuuridda la dardar geliyo sanadkaan bilowga ah.

Wasaaradda Xanaanada xoolahana ayaa laga dhegaystay warbixin la xiriirta shir lagaga hadlaayey hannaanka tallaalka xoolaha iyo sidii loogu mari lahaa qaab lagula socdo caafimaadkooda iyadoo la fulinayo dhamaan tallaalada xoolaha si caafimaadka xoolaha nool loo la socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here