Hordhac: Man United vs Burnley – Manchester United oo Danaysa in Ay Dib Ugu Soo Laabato Wadada Guusha

0
285

Manchester United ayaa caawa garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doointa Burley maalmo kaddib markii ay guul-darro xanuun badan kala soo kulantay Liverpool oo ay Axaddii kula soo ciyaartay Anfield.

Kooxda martida ah ee Burnley oo toddobaad farxad ah ku jirta ayaa usoo safartay magaalada Manchester iyadoo raadin doonta guul la mid ah tii ay Leicester City dhibcaha kaga qaateen Axaddii.

Tababaraha Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dooday shirkiisii jaraa’id ee shalay, in kulankii ay soo guul-darraysteen ee Liverpool ay garoonka ku jireen illaa daqiiqaddii ugu dambaysay, indhihiisuna ay arkayeen horumar ka muuqday kooxdiisa marka laga yimaaddo guul-darrada, waxaana cudur-daarkaas oo shidaal uga dhigi doonaa ciyaartoygiisa si ay saddexda dhibcood uga qaadan karaan Burnley.

United oo ay ruxeen hadal-haynta suuqa ee laacibka reer Portugal ee Bruno Fernandes iyo dhaawaca Marcus Rashford, waxay caawa u baahan tahay guul qasab ah si ay u xajisan karto kaalinta shanaad, haddii laga adkaadana waxa suurtogal ah inay hoos uga degto booska maadaama ay jiraan saddex kooxood oo wax ka yar saddex dhibcood usoo jira.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, Manchester United waxay guuleysatay saddex kulan, saddexda kalena waa laga badiyey, waxaanay isku dhow yihiin Burnley oo laba ciyaarood soo badisay afarta kalena laga soo adkaaday.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs Burnley

Tartanka: Premier League, kulamada 24aad

Waqtiga: 11:15 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Grafford

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Manchester United waxa dhaawac kaga maqan dhaliyaha Marcus Rashford waxaana fursaddaas ka faa’iidaysan doona Greenwood oo baasha midi gee weerarka ama khadka dhexe kusoo bbilaaban doona.

Waxa kale oo la filayaa in tababare Solskjaer uu caawa kusoo bilaabo kubbad sameeyaha reer Spain ee Juan Mata oo ka dambayn doona weerarka, halka difaacana uu Brandon Williams cidhiidhsan doona baasha bidix oo uu ka riixan doono Luke Shaw.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Williams; Matic, Fred; James, Mata, Martial; Greenwood

Burnley: Pope; Bardsley, Tarkowski, Mee, Taylor; Hendrick, Westwood, Cork, McNeil; Rodriguez, Wood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here