Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ruushka oo Ansixiyay Qorshaha Lagu Badalayo Dastuurka Dalkaas

0
468

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ruushka oo Meel-mariyay Akhrinta Koobaad ee Qorshaha Badalka Dastuurka Dalkaas

Aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka ee Duma lagu magacaabo ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay akhrinta koobaad ee hindisaha la doonayo in wax lagaga badalo dastuurka dalkan.

Dhamaan 432dii xildhibaan eek u sugnaa golaha baarlamaanka dalkan ayaa u codeeyay qorshahan uu isbuucii tagay soo bandhigay madaxwaynaha dalkaas Vladimir Putin.

Xeerkan wax lagaga badalayo ayaa akhrinta labaad la marin doonaa 11ka bisha Febraayo ee fooda inagu soo aadan.

Hindisahan cusub ayuu Putin ku doonayaa in uu awooda dalka ku wareejiyo baarlamaanka si loo xoojiyo dimuqraadiyadda dalkaas hasayeeshee dadka sida dhaw ula socda siyaasadda Ruushka ayaa sheegaya in Putin uu doonayo in uu badalkan dastuurka ku kordhisto mudo xileedkiisa oo haatan ku eg sanada 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here