SJS oo Dhaliishay Xeerka Saxaafadda Qaranka

0
451

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa walaac ka muujiyay xeerka saxaafadda dalka oo uu ansixiyay aqalka sare ee dalka isla markaana xafiiska madaxweynaha loo gudbiyay 16kii Jannaayo sanadan si qalinka loogu duugo loona dhaqan galiyo.

Ururku ayaa sheegay in badalaada xeerkan lagu sameeyay uu caburin iyo xayiraad ku soo rogaya saxaafadda iyo suxufiyiinta.

“Sharcigu faafreeb kaliya kuma sameynayo suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed, ee wuxuu khatar ku yahay shaqada suxufiyiinta isagoo dembi ka dhigaya war-tebinta suxufiyiinta, isla markaana xayiraad ku soo rogaya shaqada ay suxufiyiinta u hayaan bulshada. Tani waa xadgudub weyn oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Mudane Cabdalle Axmed Mumin oo ku baaqay in Madaxweynaha uu awooddiisa dastuuriga ah ku diido inuu saxiixo Sharcigan” ayaa lagu yiri qoraalka ururka SJS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here