Xildhibaan Daleys oo sheegtay in madaxda Qaranka ay xaalad dagaal ka abaabulayaan gobolka Gedo

0
2009

Xildhibaan Dalays Xasan Aadan oo deegan doorashadeeda ay tahay gobolka Gedo gaar ahaan degmadda Luuq waxaa ay qoraal ay ugu digeyso madaxda qaranka soo dhigtay barteeda Facebook.

Xildhibaanada ayaa ka digtay in xaalada la wado aysan ahayn mid wanaagsan ayadoo sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xaalad dagaal ka abaabulayo gobolka Gedo gaar ahaan degmadda ay iyada matasho ee Luuq.

Waxaa ay sheegtay in Cabdullaahi Aadan Kulane oo kamid ah saraakiisha sare ee hay’adda NISA oo tegay gobolka uu hurinayo colaad isagoo amar ku baxshay in degmooyinka qaar la weeraro.

Masuuliyada ayeey sheegti wixii dhaco in uu qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan laga yeeleyn ma ogeyn iyo masuul kama ahayn.

Dadka deeganka ee walaalaaha ay ayeey ugu baaqday inay iska jiraan dadka ka dhex faa’ideysanaya ee xaalada ku abuuraya gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here