Caabuqa Coronavirus oo Gaadhay Yurub Tirada Dadka u Geeryoodayna Ay Sare u Sii Kacayso

0
435

Caabuqa Coronavirus ee bilawgiisii ka dilaacay magaalada haatan karantiilan ee Wuhan ee baria Shiinaha ayaa haatn la xaqiijiyay in uu gaadhay qaaradda Yurub iyada oo maalinnimadii Jimcada ahayd la xaqiijiyay in 3 ruux oo ku sugan dalka Faransiiska ay qabaan caabuqan aan wali asalkiisa la garanayn.

Saddexdan ruux ayaa ku sugan magaalooyinka Bordeaux, Paris iyo Buzyn ee dalkaas Faransiiska.

Tirada dadka caabuqan u geeriyooday ayaa haatan gaadhay 41 ruux dadka la xaqiijiyay in ay caabuqan qabaanna waxaa uu gaadhay 1,287.

Xukuumadda dalka Shiinaha ayaa balaadhisay goobta ay u karantiishay xanuunkan iyada oo ilaa haatan xayiraado xaga isu socodka ah dul dhigtay 13 magaalo oo ay intooda badan ku yaalaan gobolka Hubei ee badhtamaha dalkaas.

2 ruux oo ku nool Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in la xaqiijiyay in ay caabuqan qabaan.

Hay’adda caafimaadka aduunka WHO wali kuma dhawaaqin xaalad caadimaad oo dagdag ah oo heer caalami gaadhsiisan.

Bangiga horumarineed ee Shiinaha ayaa ballan qaaday in uu lacag gaadhaysa 290 milyan oo doolarka Maraykanka ah si loola dagaalo xanuunkan iyada oo uu maamulka gobolkan ku dhawaaqay in ay waddo dhismaha cisbital leh 1,000 sariirood oo si gaar ah loogula tacaalo xanuunkan ayna dhismaha cisbitalkan ku dhamays tiri doonto mudo 10 maalmood gudohood ah.

Inta badan goobaha ganacsi iyo meelaha ay dadwaynaha isugu yimaadaan eek u yaala gobolkan ayaa la xidhay si loo xakameeyo faafitaanka fayruuskan cusub.

Maamulka magaalooyinka Beijing iyo Shanghai ayaa dadka gobolkan dhawaan ka soo safray ugu baaqay in aysan guryohooda ka soo bixin muddo 2 isbuuc ah si loo yareeyo halista faafinta xannunka.

Ruushka wuxuu hakiyay duulimaadyadii tooska haa ee gobolka uu xanuunkan saameeyay tooska u aadayay, xukuumadda Japan waxay sheegtay in ay sare u qaaday heerkeeda diyaar garow ee la tacaalidda xanuunkan halka xukuumadda Ingiriiska ay dhistay guddi si gaar ah ula socda faafka iyo halista caabuqan walaaca galiyay caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here